C/laahi Yusuf oo ku hanjabey in uu is casilayo!

Mar 24, 2007
Warar laga helayo ilo ku dhowdhow Villa somalia ayaa sheegaya in madaxa adeegayaasha Tigreega C/laahi Yusuf uu caga jugleyn aan kala go’llheyn ku hayo Nidaamka Tigreega ee ka taliya Itoopia, C/laahi Yusuf oo aad uga caroodey xabad joojintii dhexmartay Ciidamada Tigreega iyo oday dhaqameedyada Hawiye ayaa telefoon kula hadlay Meles Zanawi ugun hanjabey in uu 24 saac guduhood isku casili doono haddii aan laga laaban xabad joojintaas
Meles Zenawi oo C/laahi usheegay inuu arintaa ka soo fiirsanayo ayaa sida muuqata dhab ahaan uqaatay hanjabaadda C/laahi waxaana uu amar ku siiyey saraakiishiisa somaliya jooga in ay ka laabtaan xabad joojintii dhex martay iyaga iyo oday dhaqameedyada Hawiye.

Taasi ayaa waxaa ka marqaati kacaya haddalada ay saraakiisha Tigrregu maanta ula yimaadeen odayaashii ay la kulmeen oo ahaa “ waad kumahadsantihiin sida aad xadab joojintii udhaqan geliseen, anaga ayaase ka baxney, hadalkan ayaa waxaa laga dhadhansan karaa in Saraakiisha lagu amray iney sidaa u hadalaan, waayo haddii ay iyagu doonayaan iney xabad joojinta burburto uma ay baahdeen iney yiraahdaan waan ka abaxnay ee waxaa ay billaabi lahaayeen dagaal markaasna xabad joojinta ayadaa iskeed u burburi leheyd.

Lama oga in Zenawi ciidamadiisu u bareeri doonaan dagaal ay lagalaan dadka Somaaliyeed ee degan magaalada Muqdisha oo ah dad dagaal yahan ah isla markaana aaminsan in loogu yimid guryahoodii ayna waajib diini ah tahay iney is difaacaan.

C/laahi Yusuf ayaa muddaba wedey qorshe uu doonayo in la baa bi iyo dadka degan Muqdisha oo ah magaalo aan laga jecleyn isaga iyo nidaamkiisa, isaga oo markii horeba ku yimid Taangi tigree.

Tallaabad ay tigreegu qaadayaan caawa iyo berrito ayaa hadba waxaa ay ku xirantahay sida ay Mareykanka isula jaanqaadaan, iyaga oo markii horeba ku yimid Amar mareykan ayey haddana uga baahanyihiin ogolaansho wax kasta oo ay doonayaan iney Somaliya ka sameeyaan

Haddii ay Amerikanka oo colaad hore u haya reer Muqdish ku taageeraan dagaal dadka magaalada lagu xasuuqo ayey hubaal tahay taasi ine keeni doonto dhiig badan oo Muqdisha ku daata. Guul ay soo hooyaan laba qolo ayaan ahaan doonin mid sahlan

Caawa aya guud ahaan magaalad waxa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oon hore loogu arag, waxaana xiran dhammaan waddoonka waaweyn iyo kuwa yar yar ee magaalada qeybeheeda kala duwan. Waxaa taasi daliil u tahay iney reer Muqdisha u diyaar garoobeen iney is difaacaan meeshii ay lagaartaba.

Istarliin Cabdullahi, Xafiiska sirdoon.com Muqdisha
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com