Warar shabakadda sirdoon.com ay kasoo xigatay ilo ku dhow dhow saraakiisha tigreega iyo adeegayaashooda ayaa waxay sheegayaan in garoonka diyaaradaha ee ballidoogle lagu diyaariyay cutubyo ka tirsan ciidanka cirka ee itoobiya. Ciidankaan ayaa diyaarsaday diyaarado Mig 29 ah si ay argagax ugu ridaan shacabka muqaawamada ka wada muqdisho.
Maahan markii ugu horreesay oo shacabka muqdisho lagu weeraro ama loogu hanjabo diyaarado. Waxaa ugu horreeyay oo reer muqdisho ay xasuustaan markii kaligii taliye Siyaad Barre uu labo diyaaradood oo Mig 21 ah ku dul duuliyay si uu u cabsi galiyo shacabka.
Waxaa kale oo si arxan darro ah muqdisho ugu weeraray diyaarado casri ah, oo meelo fog fog iyo meelo dhow dhowba wax ka gumaada, waddanka Maraykanka. Diyaaradahaas oo kala AC130 iyo noocyada kala duwan ee helicopterada. Sidoo kale, Dagaalkii ay Maxkamadaha Islaamka iyo Tigreega wada galeen ayuu cadowgu diyaarado aan la oqoon cid iska leh laakiin loo malaynayo inay lahaayeen ciidamada cirka ee Maraykanka weerareen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho. Diyaaradihii Maraykan iyo kuwii kaligii taliska haddii ay cabsi galin waayeen reer muqdisho waaba mid uu duulinaayo injir-badan tigree ah oo lasoo qasbay.
Shacabka muqdisho oo kaashanaya Rabbigooda ayaa si macnawiyan iyo maaddiyanba ah u diyaar garoobay inay ka hortagaan khiddadaha iyo hanjabaadaha cadowga tigreega iyo dabadhilifka meeluu gala la'. Waxana walaalahooda muslimiinta ah ka codsanayaan inay ku kaalmeeyaan duco iyo Alle bari.