Adeege Buubaa oo xilkii safiirnimo ka qaaday Maxamed Cali Ameeriko.

Mar 28, 2007
Wasiirka u adega Tigreega ee Arrimaha Dibada Soomaaliya Cusmaaciil Hurre Maxamuud “Buubaa” ayaa wareegto uu soo saaray xilkii Safiirnimo kaga xayuubiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Adeege Buubaa oo saxaafada uga warbixiyay Xilka qaadista uu ku sameeyay Tigree u adeege Maxamed Cali Ameeriko ayaa ku tilmaamay in ay tahay mid uu is bedelo lagu sameynayo Safaaradaha Dibadda.

“Xilka qaadistaas waxa ay aheyd mid isku shaandheyn iyo mid is bedelba oo aan ku sameeyay Safaardaha Dibadda Safiirada u fadhiya”ayuu yiri Buubaa.

Wararka ayaa sheegaya in sababaha uu adeege Buubaa uga qaaday Maxamed Cali Ameeriko Safiirnimadiisa ay tahay khilaaf soo kala dhex galay Adeege Cali Gedi iyo isaga.

Geeddi iyo Maxamed Cali Ameeriko ayaa ah dad si aad ah isugu dhow oo qaraabo ah, isla markaana ka dhaxeysa saaxibtinimo weyn, waxaana la tilmaamay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay khilaafka adag ee soo kala dhex galay Adeege Geeddi iyo AdeegeBuuba.

Dhanka Kale Maxamed Cali Ameeriko ayaa beeniyay Wararka sheegaya in laga qaaday xilkiisa, isagoo sheegay in aysan jirin warqad la soo gaarsiiyay isaga, wuxuuna xusay inuu sii wadayo howlaha shaqo ee Safaarada Soomaaliya Nairobi ku leedahay.
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com