Parlamaanka Afrika oo sheegay in Itoobia ku fashilmi doonto Somaliya!

May 11, 2007
Hadal Baarlammanka Afrika ka soo saareen shirkkodii sanad laha ahaa oo lagu soo gebogebeeyey wadanka South farkia ayey ku sheegeen ineysan faragelinta Itoobia guul ka soo hooyn doonin Somaliaya ayna cadahay iney fashilmi doonaan. Waddamada Afrika ee ku yaboohay iney ciidamo u soo diraan somaliya ayey ka dalbadeen iney balan qaadkooda oofiyaan
waxaa ay dalbaden in ciidamada Itoobia si dhaqso ah uga baxaan Somaliya. Haddalada Itoobia ku sheegeyso iney la dagaalameyso argagixiso ayey sheegeen in looga gol leeyahay in mareykanka looga helo taageero.

Itoobia ayey ku eedeeyeen iney dhaqaalo iyo taageero kale ku raadsaneysa dagaaladii ka dhex jirey shacabka Somalida iyadoo u ekeysiineysa iney argagixiso caalami ah la dagaalameyso,dagaal qabaa il u dhexeysa iyo loolan awoodeed oo qabiilooyin dhexyaal ayey u ekeysiineysaa mid caalami ah si waxoogaa dhaqaalo ah ku hesho ayaa lagu sheegay warka oo ay xukuumadda Addisaba si weyn uga carootay.
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com