Jendaay Frazer "Waa in la bedelaa Hogaanka sare dowladda"

May 14, 2007
Jandayi frazer oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada ee wadanka Mareykanka ugu qaabilsan arrimaha Africa sheegtay in loo baahanyahay in wax laga bedelo hogaanka sare ee dowladda fadaraalka soomaaliya iyadoo ula jeedo kuwa Tigreega u adeega kuwooda ugu sareeya.

Halkaan ka dhagayso

Jandayi frazer ayaa sheegtay in loo baahanyahay in la bedelo hogaanka sare ee dowladda soomaaliya iyadoo dhanka kalena ku baaqday in la dardar galiyo shirka dib u heshiisiinta qaran.

Jandayi frazer oo u waramaysay Idaacada codka Maraykanka laanteeda Afka-Soomaaliga ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bedelo hogaanka sare ee dowladda.

Sidoo kale, Frezar oo soo hadal qaaday arrimaha shirka dib u heshiisiinta ayaa sheegtay loo baahan yahay in kulanka dib u heshiisiinta uu noqdo mid ka madax banaan dowaldda, isla markaana ay ka soo qeyb galaan gebi ahaanba dhinacyada siyaasada, Diinta iyo dhaqanka Soomaalida.

Mar wax laga waydiiyay Maxkamadihii Ismlaamka kuwooda qunyarka socodka iyo kuwa mayalka adag sida lagu kala garanayo ayay sheegtay inay adagtahay in lakala sooro laakiin ay jiraan kuwo ay caddahay mayal adeegooda. Waxay kaloo sheegtay inay jiraan kuwa kale oo ay u haysteen inay qunyar u socod yihiin ay ahaayeen kuwa mayal adag sida Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa hagaamiyihii golaha Maxaakiimta Islamka. Sidoo kale Soomaalida Mucaaradka ah ee Asmara joogaya ayay sheegtay inaysan hadda wax xeriir ah la lahayn.

Sidoo kale mar haweenaydan wax laga waydiiyay sida loo soo xulaayo iyo cidda soo xulaysa ka qaygalayaasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aysan shaqo u taalo dowladda ayna tahay in odoyaasha qabaa'isho soo xulaan. Waxay kaloo tiri waa muhiim in laga qaybgaliyaa ururada bulshada iyo hogaamiyaasha diinta.


Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com