
War deg deg ah!!
Wafdi ka kooban 15 xubnood oo ka tirsan guurtida beelaha Hawiye ayaa caawa maamulka Tigreega u adeega ee Imbagaatgi ka hor istaageen iney ka dhoofaan magaalada Muqdisha. Wefdigan oo uu hor kacayey Siyaasiga C/laahi sheikh xasan ayna ka mid ahaayeen afhayeenka beelaha Hawiyey Axmed Diiriye iyo Ugaas C/daahir Ugaas Nuur ayaa ku sii jeedey Magaalada Nairobi ee adanka Kenya.Wefidga ayaa ku socdey casuumaad ay ka heleen midowga Yurub iyo safaaradda mareykanka ee Nairobi, waxaana loo diidey iney galaan garoonka diyaaradaha ee caasimadda Muqdisha. rag uu ka midyahay afhayeenka C/laahi Yusuf xuubsireed ayaa la sheegay iney ugu hanjabeen in ay xabsiga dhigi doonaan xubnahaas haddii aysan dhaqso uga tegin garoonka iyo agagaarihiisa.
Xubnaha wefdiga ayaa sheegay iney si sharci ah ugu socdaan safar ay ku tegayaan dalka Kenya. Rag ay qaraabo yihiin Madaxa Imbagathi C/laahi Yusuf ayaa xubnaha wefdiga handaday intii ay joogeen Garoonka diyaaradaha sida uu sirdoon.com u xaqiijiyey xubin ka tirsan wefdiga la soo celiyey oo ka gaabsaday inaan magaciisa shaacinninn.
Istarliin C/laahi xafiska Sirdoon.com, Muqdisha




