Qarax wayn lala beegsaday kolonyo ay leeyihiin kuwa Tigreega u adeega oo marayay xaafada Carafaat.

May 20, 2007
WAR DEG DEG AH
Qaraxan oo lala beegsaday kolonyo ay lahayihiin adeegayaasha Tigreega oo marayay agagaarka xaafada Carafaat ee degmada Yaaqshiid ayaan la garanayn cidda ay galbinayeen.

Waa qaraxii 2aad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho kadib markii adeege Maxamed Dheere uu ka bad baaday qarax saaka ka dhacay agagaarka D/sare Max'ud Axmed Cali.

Goob jooge ku sugan xaafada Carafaat ayaa xaqiijiyay in qaraxa uu dhacay kadib markii ay gudbeen kolonyo ay la socdeen saraakiil katirsan Adeegayasha Tigreega, isagoo sheegay in uusan garaneyn khasaaraha uu gaystay qaraxaasi.

Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com