Ismaandhaafka Soomaalida iyo Dunida Xoogga leh

Aug 03, 2007
W/Q Ibrahim Yusuf "Hawd"
null

Aynu u gudubno guud ahaan mushkiladaha dhulka soomaalida ka aloosan unugtooda iyo fardaamintooda. Horta aynu mar uun ku dhiirranno in aynu si bisayl leh u akhrino taariikhda iyo waaqica gobolka, iyo dabciga runta ah ee qalalaasaha dhammaan waayey. Taasna qodobbo dhawr ah aynu ka dhex eegno (innaga oo weliba ogaan isu moogaysiinayna qodobka ugu daran oo ah xintanka soojireenka ah ee tolalka soomaalida).
Ugu horrayn Geeska Afrika, siiba intiisa ku sii jeedda Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, waa mandiqad aad istiraatiji u ah, waayo waa marin qaaradaha oo dhan isku xidha. Taas macnaheedu wuxuu yahay, dhulkaasi waa gobol aad u balaayeysan oo lagu hirdamo. Dhammaan ilbaxnimooyinkii waaweynaa ee dunida soo maray, haddii ay noqoto tii faraacinada, Giriigga, Roomaanka, Beerashiyaanka, Shiinaha, Carabta iyo ta maanta ee Yurub, intuba gobolkan waa ay soo farageliyeen iyaga oo danahooda ka ilaashanaya.

Markii ay Ilbaxnimada Yurub noqotay awoodda dunida, ummadaha kale oo dhanna qabsatay, iyada oo huwan Diinta Masiixiga iyo isirnimada caddaanka, waxaa dhacay masiibooyin bani aadamnimo oo aad u waaweyn. Masiibooyinka dhacay waxaa keenay ilbaxnimadaas oo ummadihii ay qabsatay la dhaqankooda ku salaysay oo keliya labadaas arrimood (kiristaamayn iyo isir takoor). Foolxumada ugu weyni waxay ahayd qaadashada ilbaxnimadaas iyo diinteeda in aan iyada lagaga mid noqon karayn, waayo mar walba waxaa soo hadhaysa isirnimada oo aan dabcan la qaadan karin lagana mid noqon karin.

Ilbaxnimada Yurub halkaas waa ay kaga duwan tahay tii Islaamka, waayo taas hore kuma ay salaysnayn isir, waxayse ku salaysnayd fikrad iyo dhaqan. Ilbaxnimada Islaamka cid waliba si buuxda ayey uga mid noqon karaysay, ciddii ka mid noqotaana sharkeeda waa ay ka nabadgelaysay. Laakiin bulshooyinkii dhaqanka iyo diinta masiixiga qaatay haba yaraatee kama ay helin reer yurub mudnaan dhaanta kuwii diiday. Markaas reer yurub waxa qiimaha u lihi ma aha ilbaxnimadaas ahaanteeda, waase ujeeddo kooban oo isirka cad loogu adeegayo. Tusaale ahaan faafinta diinta masiixigu ma ahayn hadaf loo socdo, waxayse ahayd fikrad loo adeegsanayey in lagu dilo laguna laylyo dhaqammada kale, si isirka cad loo sarraysiiyo. Waxaa la og yahay caddaanka kiristaanka ahi baybalkooda in ay u adeegsadeen addoontooda in ay ku qanciyaan is addoonsiga iyo kala sarraynta isirradu in ay tahay caddaalad Eebbe.

Gumaysiga Yurub waxaa kale oo ku lammaansanaa wax foolxun, waxaas oo ay iyagu u arkayeen cilmibaadhid ay ku sameeyeen dadyawgii ay qabsadeen. Waxay iska dhaadhiciyeen bulshooyinkaas in ay dabcigooda baadhaan si ay u fahmaan dabadeed xukunkooda fahamkaas ugu saleeyaan. Halkaas waxay ka soo saareen natiijooyin been iyo faalso ah oo ay ka dhigteen xaqiiqo cilmiyeed, taas oo ay dabadeed bulshooyinkaas ku dabbaqeen. Waxayse ceebtu ahayd dadka oo aan ahayn wax sidii shay meel yaal dabcigiisa iyo dhaqankiisa sidaas fudud loo xukumi karo.

Haddaba markii ay reer yurubku waxaa wadeen soomaalidu waxay ahaayeen muslin 100%, si adag ayeyna u diideen in masiixiyadda la soo geliyo. Waxay kale oo si buuxda u diideen mabda’a sarraynta uu isirka cad ee weerarka ahi sheeganayey. Haddaba Ilbaxnimada Yurub soomaalida waxay kala kulantay firfircooni iyo feejignaan badan oo leh af, dhaqan, diin iyo abaabul ciidan intaba. Xaqiiqadaasi judhiiba waxay ka hor timid sahankoodii ugu horreeyey ee geyiga soomaalida maray.
Waxyaalahaas soomaalidu waxay kaga duwanayd ummado markii loo yimidba kiristaan ahaa, sida Xabashida, iyo kuwo markaas ka dib kiristaanoobay, sida Afrika badankeeda. Waxay kale oo ka duwanayd dadyaw markii loo yimid dhaqan ahaan aad u tabar darraa, kuwaas oo wixii ku dhacayey saamayn iyo xitaa falcelin ka samayn kari waayey.

Halkaas ayey ka soo baxday reer yurubku ilaa bilawgiiba in aanay soomaalida ula dhaqmin sidii ay ula dhaqmeen bulshooyinkii kale ee la qabsaday badankooda. Waxayse run ahaantii ula dhaqmeen sidii quwad dhab ah oo uga baahan siyaasad iyo qorshe gaar ah. Taasi waxay ka soo bilaabanaysaa sidii ay Boqortooyada Biriteyn dhulka ku soo gashay, sidaas oo ahayd heshiis laba dhinac ah oo isu dheellitiran. Waxaa ka mid ah dhulka soomaalida uu Ingiriisku joogay in aan weligii loogu yeedhin ”dhul la gumaysto” ee la isula yaqaannay ”dhul la ilaaliyo”. Sidii uu heshiisku ahaa Ingiriisku dhulkaas uu xidhiidhka hore la lahaa wuxuu ka ilaashanayey gumaystayaashii kale ee reer yurub kuwaas oo kollayba isku dayi lahaa in ay xoog ku qabsadaan. Waxaa kale oo taas ka mid ah sida yaabka leh ee markii dambe soomaalida loo qaybiyey cududdeedana loo dhantaalay iyo utunta deriskeeda loo geliyey.

Qoraallo badan, oo qaarkood soo saaristooda ogaan dib loogu dhigay, ayaa si weyn inoo tusaya sida ay reer yurubku soomaalida u arkayeen. Waxay u arkayeen dad maskax furan, feejigan, dagaalyahan ah, isla weyn, gobannimada u dhinta, aad u diin jecel, af iyo suugaan hodan ah leh.
Wanaagyadaas loo qiray haddii ay dadka soomaalida faan u ahaayeen, dhanka kale waxay u ahaayeen, welina u yihiin, sababaha burburka iyo dhimashada. Markaas ka dib reer yurub umadda soomaalida waxay ku dhaqeen, welina ku dhaqayaan, xeer ka duwan ka dunida kale ee la gumaystay badankeeda. Run ahaantii xeerkaasi wuxuu u eg yahay ka lagula dhaqmo ummad leh awood ilbaxnimo oo weyn, taas oo ay tahay in xoog iyo xeeladba lagu burburiyo.

Fikradda sidaas ah ee ay reer yurub soomaalida ka qaateen, colaadinta daranna ugu talagaleen, waxaa sii xoojiyey falal aan xilkas ahayn oo dhawr jeer dhanka soomaalida ka yimid. Falalkaas waxaa ka mid ahaa dawladnimadii soomaalida oo noqotay qodax goor kasta quwadaha waaweyn cagta kaga mudan. U fiirso gobanimada ka dib sidii ay soomaalidu u diidday in ay ku biirto Golaha Barwaaqosooranka, kaas oo ay si toos ah ugu bahoobeen dalalkii ay Boqortooyada Biriteyn xukumi jirtay. U fiirso haddana sannadihii lixdannadii dawladdii soomaalida ee curdanka ahayd sida ay dhegaha ugaga qaylisay dawladaha waaweyn siiba Maraykanka.

U fiirso haddana dhaqan-siyaasadeedkii geeljirennimada ahaa ee sannadihii toddobaatannadii Midowga Soofiyati iyo Maraykan marba mid ku lahaa ”tag”, ka kalena ku lahaa ”kaalay”. U fiirso haddana dagaalkii soomaalida iyo Maraykanka Xamar ku dhex maray sidii aan habboonayn ee maydka waddooyinka loogu jiiday. U fiirso haddana dhowaan xabaalaha ay dadka talyaanigu Muqdisho ku lahaayeen sidii dadnimada ka baxsanayd ee loola dhaqmay. U fiirso haddana sida dadka caddaanka ah dhulka soomaalida oo dhan xabbadda loogu ugaadhsado.

Waxaas oo xilkasnimo darro ah waxaynu ku kacnay innaga oo ah dadka dunida ugu awood liita, uguna baahi badan. Ummadaha aynu sidaas axmaqnimada iyo macangegnimada ah ula dhaqmayno waxaynu u baahnayn in aynu maslaxanno, soo dhowaysanno, wax walbana u samayno ugu yaraan in aynaan isku dhicin. Waxay ahayd in aynu kalsoonidooda kasbanno si aynu ula kaashanno dhismaha dawladnimada inagu cusub, iyo markii dambe soo celinta nolosha ummadeed ee burburtay.

Macangegnimada iyo geeljirennimada dabciga iyo dhaqanka inoo ah ee aynu siyaasadda dawladnimo gelinnay, iyo hab-fekerka reer miyinnimada ahi waxay liddi iyo cadow ku ahaayeen, welina ku yihiin, maslaxadda ummadeed. Dawladnimadu uma baahna muran, macangagnimo, ismutuxid iyo daacad-miskiinnimo. Waxayse u baahan tahay bisayl, diblomaasiyad, furfurraan iyo kasbasho. Waxay u baahan tahay bulshaynimo siyaasadeed oo ummadaha kale lagu soo jiito laguna sixro si dan iyo saaxiibtinnimo looga helo. Waxay u baahan tahay kun waxyaalood in la ismoogaysiiyo ama laga tanaasulo si maslaxadda sare ee umadda loo meelmariyo.

Markii waxaas oo dhan la waayey ayey dadka soomaalidu noqdeen go’doon aan saaxiib lahayn oo cid waliba ka hiiliso kana sii jeesato. Wax allaale waxa soomaalida balaayo ku dhacday dalalka waaweyni waxay si toos ah ama dadban u muujiyeen in aanay dan ka lahay, ama raalli ka yihiin, amaba qudhoodu ka dambeeyaan.

Duullaankii ballaadhnaa ee ay dhowaan gaashaanbuurta Maraykan iyo Itoobbiya dhulka soomaalida ku qaadeen, iyo gumaysiga cusub ee Xabashidu, waxay toos ugu taxan tahay dhaqanka soojireenka ah ee aynu soo xusnay. Waa dhaqanka siyaasadeed ee dunida ee danaysiga ku dhisan iyo dhaqankeenna siyaasadeed ee geeljirennimada ku dhisan. Haddaba dadka soomaalidu haddii ay doonayaan in ay helaan nabad iyo nolol waa in ay xisaab isugu noqdaan, dhaqankooda siyaasadeedna wax badan ka beddeleen.

Ugu horrayn dadka danaha umadda u xilsaaran si ay ugu suurtagasho dantaas in ay si habsami leh dunida uga soo dhirindhiriyaan waa in ay lahaadaan wacyiga, garashada iyo dibloomaasiyadda ay taasi uga baahan tahay.

Maanta dadka sheegta masuuliyadda siyaasadeed ee soomaalidu arrimahaas waxay ka joogaan eber iyo heerka ugu hooseeya. Iska daa maslaxad ummadeed oo ay dhisaane waxay u dhaqmaan si iyaga qudhooda karaamadii dadnimo oo dhan ka xayuubisay.

U fiirso dunida ay intaas wareegayaan waxa keliya ee ay ula tagaan waa laba qodob aan mid saddexaad lahayn: 1) in ay koox waliba dunida la soo xamato kuna soo dirto koox kale oo soomaaliyeed oo ay iyaga isdiiddan yihiin. 2) in ay soo shaxaadaan lacag yar oo aad u xaqiran taas oo sida carruurta jeebka loogu soo rido ee aan milge iyo maamuus dawladnimo lagu bixin. Waxaas oo aan khasnad iyo xisaab qaran gelin ayey shakhsi ahaan u qaataan, oo qaybsadaan, oo mararka qaarkood isku qabqabsadaan. Inta ay sidaas tahay lagama hadli karo xidhiidh dadnimo leh oo dhex mara soomaalida iyo dunida kale.

Waxaa cad in aynu nahay dad aad ugu liita la qabsashada iyo la shaqaysashada ummadaha kale. Mar hore iyo jeer dambeba colaaddii Soomaaliya iyo Xabashida mowqifka ay dunidu iska taagtay, iyo burburkii iyo halaaggii dhacay, iyo sida uu weli xaal yahay cidina aanay dan uga lahayn, waxaas oo dhami waxay ina tusayaan in aynu nahay ummad isgo’doomisay oo aan dunida cadow mooyee saaxiib ku lahayn.

Taas mar waxaa keenay dabciga geeljiraha ah, ee cid walba yasa haddana cid walba ka liita. Mar kale waxaa sababay la’aan hormuud siyaasadeed iyo dhaqan-aqooneed oo dunida inagu xidha, oo innoo kasba kalsoonida aadamiga kale. Mar saddexaad waxaa jirta, sidii aynu soo aragnay, isfahamdarro weyn oo innaga iyo caddaanka ina dhex taal, ayna tahay in la saxo. Cabashada aynu isu sheegno ee ah cadaawad dabiici ah oo ay ”gaaladu” inoo hayaan iyo qorshe ay dhimashadeenna u dejiyeen, waxba ina tari mayso wax badan ayeyse ina yeelaysaa.

Waxaas oo dhan umadda soomaalidu waxay u baahan tahay in ay dhakhso uga shaqayso, dunidana ku yeelato saaxiibbo awood leh oo ay ku dan ilaashato. Haddii kale halistu waa ay sii daraysaa.

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”
Ibraahinhawd@hotmail.com


Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com