Yaa ka danbeeya gumaadka lagu hayo bahda warbaahinta?

Aug 11, 2007
Allaha u naxariitee waxaa maagaalada muqdisha manta lagu dilay laba weriye oo ka tirsanaa heyadda wararka ee Hornafrik, iyadoo weriyeyaal kalena la dhaawacay. leynta, xarigga, kufisiga, barakicinta iyo boobka hantida dadweynaha lagu hayo si xad ka bax ah ayey u socotey tan iyo bilaawgii sanadkaan markii Tigreegu qabsadeen somaliya, sidoo kale waxaa muuqatey colaad aan la qarsan oo ay Tigreega iyo adeegayaashoodu u hayaan warbaahinta xorta ah ee ka jirta magaalada Muqdisha.

waxaa si arxan daran loola dhaqmaa warfidiyeennada, iyadoo la xiro, la jir dilo, la bahdilo, qalabka ay howlohooda u adeegsanayaanna laga dhaco, waxaa ugu danbeyey sidii banii aadam nimada ka baxsaneyd ee axmaqyo gobollo gaar ah laga keenay oo askar sheeganayaa maalmo ka hor ula dhaqmeen Nimco xasan cabdi oo ah weriye u shaqeysa idaacadda Shabeelle.

waxaa albaabada loo laabay in ka badan 4 jeer inta badan idaacadaha xorta ah ee ka jira magaalada sida shabeelle iyo hornafrik. Waxaa ugu danbeysay shalay oo Idaacadda shabeelle la xirey sagaal weriye oo ka tirsana xabsiga loo taxaabay, iyadoo ay ka sii horreysey hanjabaado ay Tigreegu u jeediyeen Idaacadaha Muqdisho qaarkood oo ay sheegeen iney ka hortaaganyihiin nin lagu magacaabo general Darwiish oo doonaya inuu dhiiggoda cabbo, maantana waxaa la dilay Allaha u naxariistee agaasimayaashii idaacadaha Hornafrik iyo Capital Voice ee muqdisha.

Waxaan shaki laheyn in Tigreegu ay ka dhabeeyeen hanjabaadohoodii ayna fasaxeen Darwiish iyo mooryaan beeleedkiisii naxariista darraa iyadoo ay muuqaneyso in Markii ey xiritaankii warbaahinta xorta ah ku guul dareysteen, cadaadis dibadda kaga yimid awgii ay dil khaarajin ah markaan door bideen si warbaahinta loo cabsi geliyo.

Dadka Somaliyeed haddii aysan midoobin oo is garabsan dhaqsona isaga kicin balaayadan ay la yimaadeen Tigreega iyo adeegayaashoodu gumaadku waa uu sii socon doonaa, waxaana darwiish iyo eeyihiisa lagu fasixi doonaa dad badan oon waxba galabsan oo hadda nool.

Ugu danbeyntii bahda SIRDOON waxaa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaa heyadda warbaahinta Hornafrik iyo eheladii ay ka geeriyoodeen labada marxuum.

Allaha u naxariisto.

Xafiiska sirdoon.com, Muqdisha.


Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com