Nin ay si xun u jirdileen ciidamada Itoobiya oo la soo dhigay Meydkiisa agagaarka dekedda

Mar 01, 2007
Mayka nin ay Ethopianku dileen
Maalintii shalay ahayd ayaa nin meyd ah oo da’diisa lagu qiyaasay 30-40 jir ayaa laga helay afka hore ee Dekedda Magaalada Muqdisho, ninkaas oo si xun loo garaacay ayaa markii dambe lagu dilay rasaas, ilaa iyo haddana lama garanayo ciddii ka dambeysay, hase yeeshee dadka oo la wareystay waxay sheegeen in ninkaasi ay si xun u jirdileen Ciidmada Itoobiya ee ku sugan Bacaadka Keydka Shidaalka ee Dekedda weyn ee Muqdisho, halkaas oo fariisin u ah.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqleen rasaas, waxaana la sheegay in dadka tirsan ay halkaasi gaareen uguna tageen ninkaan oo qaarka dambe ka duugan madaxana dhaawacyo uga yaalaan.
Ninkaan lama garanayo in uu ciidamada Itoobiya u tagay iyo in ay ciidamada Itoobiya ka soo qabsadeen deegaano kale, waxaana falkaan aad uga carooday daweynaha Soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid ay Ciidamada Itoobiya si kas ah u sameeyeen.
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com