(01-01-2008)Taariikhda bini aadanka waxaay macalin u tahay qof kasta oo isbadal doon ah. Natiijadii doorashooyinkii Kenya ee Gudiga doorashada Kenya uu ku dhawaaqay 30-12-07 waxay sawir cadaan ah ka bixisay, markhaatina u tahay damaacinimada iyo heerka xukun jacayl ee Afrikaanka.
Nasiib daro waxay qaaradu can ku noqotay madax kala horeysay, oo kala dambaysay, oo dhamaantoodna xanuun waali oo kale ah u qaba sidii ay wax u xukumi lahaayeen.
Mid ka mid ah goobjoogayaashii caalamka ka socday ee ilaalaynaayay habsami u socodka doorashooyinka Kenya oo midawga Europe ka socday ayaa isagoo fikirkiisa cabiraayay yidhi, “Waxaynu joognaa qaarad ay madaxdu sidii ay doonaanba yeeli karaan si ay kursiga u sii haystaan”.
Marka ay sidaas leeyihiin wakiilada caalamku, waxay dabcan madaxa ku hayaan, madaxda degmada geeska lagu ibtileeyay oo aan ka xusi karno, Malas Zanawi, Moosafany ga Uganda, Al-Bashir ka Sudan, Siyaad Barre, gacan-yare C/laahi Yuusuf iyo musharaxa imika liiskan ku soo biiray ee Kenya Mr Kibaki.
Waa hubaal in aanay madaxda Africanku inaba xisaabtamin, Danta dalka iyo dadka midnaba lama eego, Xataa ma qiimeeyaan waayahooda shakhsi ahaaneed si ay isugu miisaamaan waxa ay helayaan iyo waxa ay waayayaan.
Tusaale ahaan, Mr Kibaki wuxu beertiisa waynee raaxada, iyo cimrigiisa sideetanka gaadhaaya ee nasashada u baahanba ka door biday inuu si badheedh ah oo aan xataa maro yarina ku dadnayn u boobo codadka dadwaynahiisa, isla markaana wadanka ka huriyo dagaal sokeeye oo qabiil iyo qabyaalad ku dhisan. Ala halis badanaa halka uu kaga dhuftay, wataas durba isla hurtay, wataas durba maydadku tiro bateen, wataas durba wadooyinka Kenya aad moodid kuwii Muqdisho, Bujanbura-Burundi, Kinshasa-Kongo, iyo Kigali-Ruanda ee ay wax ma garadku u arimiyeen. Nin saaxiib la ah C/laahi Yuusuf iyo Sanawi in uu sidaas u dhaqmo maaha wax ay bulshada caalamka iyo umada Soomaaliyeed toona la yaabayaan.
Wararka rasmiga ah, ee ay tabinayaan idaacadaha xukuumadu ay leedahay ee Kenya ayaa xaqiijinaaya in ay dadka dhintay tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 150 qof, waxa ka sii dambeeyaana waa banaanbaxyo iyo kacdoono dadwayne oo aan la ogayn dhinaca ay Kenya ula kici doonaan.
Doorasho cadaan loo boobay, go’aan gudi-doorasho oo aan daacad ahayn, iyo dhaar madaxwayne oo boobsiis ah ayaa wadankaas jaarka ah oo Ethiopia wacad kula galay in Somalia jilbaha dhulka loo dhigo imika ku riday god dheer. Odhaada ama halqabsiga Soomaaliyeed ee ah, “Booraan ama god hadimo ha qodin, hadiiba aad qodidna ha dheeraynin inaad ku dhici lama hubee” ayaa manta si waadix ah uga muuqata masraxa siyaasadeed ee Geeska Afrika.
Kenyanka oo mudo dheer, oo ilaa intii ay xoreebeen ku siman ay garbaha hayeen wadamada reer galbeedku, iyo Ethiopia oo taageero taas le,eg ka hesha wadamadaas ayaa manta u jihaystay dhinacii halaaga. Kenya wataas, albaab naareed ayay isku fureen. Ethiopyana waa dab hoos ka qiiqaaya oo manta maalin ay umadaha Ethiopia ku wada dhaqani ka qaybsanaan badanyihiin taariikhda may soo marin.
Mucaarad xoogan, oo gudaha iyo debedaba ka abaabulan ayaa Malas dab ku shidaaya, isaguna wadadii xadhiga iyo dilka mucaaridiinta oo ah mid horey loo tijaabiyay ayuu wadaa, natiijaduna waa mid iska cad. Mustaqbalka dhaw ayaa ka jawaabi su’aalaha badan ee ay duruuftu yeedhinayso ee aan eegno sida xaal noqdo.
xigasho:Dalkanews
KENYA: “GODKII AAN QODAY AYAA LA IGA QANIINAY”
Jan 01, 2008 Sirdoon NetWorkOur E-mail: sirdoon@gmail.com




