
Sababta uu sidaa Mosaveni u yeelayo ayaa dad badani ogyihiin in ay tahay inuu raalli geliyo maamulka Washington oo xukunka ku haya, Mosaveni ayaan wax dan ah ka leheyn nolosha askartiisa iyo Nabad gelyada somaliya midna
Diblomaasi reer galbeed ah oo ku sugan Kampala ayaa wakaaladda wararka ee reuters ka soo xigatay inuu yiri “ qof maankiisu fiyow yahay kama fikiri karo inuu askar masaakiin ah oon wax khibrad ah laheyn Muqdisha ku dhex tuuro” shaki la aan waa is deldelaad bareer ah” ayuu sii raaciyey,
Musaveni ayaa iska dhiga inuu u damqanayo shacabka somaliyeed waxaana uu marar badan la maqlaaisagoo af lagaadeynaya Gabdhaha somaliyeed ee muslimaadka ah iyo diinta islaamka ee muqadas ah. Bishii hore ayeey aheyn markii uu yiri waalida bariga dhexe taalla (islaamka) Afrika loogama baahna, iyo jihad madow ayaan geleynaa sidii in midabku caqiida gooni ah yahay, dikteytoorada afrika ayaa marka ay xukunka ku daahaan isu bedela maangaabyo aan aan fekerin
Shacabka somaliyeed ayaa wacad ku maray iney dalkooda ka xoreyn doonaan calooshooda u shaqeystayaasha Afrkaanka ah ee la soo kireystey ee la doonayo in shacabka somaliyeed lagu xasuuqo, Somalidu wey ogyihiin inaan musaveni wax dan ah ka laheyn nabad somaliya ka islaaxda ee uu rabo in uu kiro ka helo calooshooda u shaqeystayaashaan uu somaliya ku soo daadiyey, Musaveni waa uu hubaa inaan wiilashaa midna dib uga laaban doonin oo Mujaahidiin waddaniga ah ee somaliyeed dalkooda ka xoreyn doonaan. Waase sidii uu isagu rabey oo waxaa uu heli doonaa wax xoogaa sandareerto ah oo mareykan siiyo.




