A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Duur looma jabin geesigii dirirta waynaaye
Kun kaloo ciyaar lagu dilay iyo dawgal baa jiray
Oon deer deero u hardiyin sida dugaaggiiye...
Wax badan baa karbaash lagu dirqiyey duq iyo wiilkiine
Nin garkii camuud loo daray oo dabada loo xayday
Oo ulo dubka iyo jiirka suga lagu daliigaayo
Oo kuman dadkiisii ahaa daawasho u joogto
Oo aan la diirine farxaan lala dareeraayo
Waa dabac idiin gooniya oon duulna waafaqin
Afqallooc: Sheekh Bashiir
Abwaan Yuusuf Maradoon Cali waa nin ka dhashay Midgo la liidi jiray. Guri ijaar ahaa, Magool (aun) ay ku noolayd ee ku yaallay gadaalkii dambe ee Tiyaatarka ama Fiera della Somalia (Xaafaddii Sheekh Suufi), horraantii 70-meeyadii, ayuu galabihii ama fiidadkii tegi jiray. Yuusuf, halkaas, qol fadhi ahaa, ayuu soo joogi jiray inta uu doono. Cunto iyo qayilaad. Dabadeed na, cariish qeyb ka ahaa guri ay iska lahayd islaan la oran jiray Aay Faay Kafalle ayuu u soo hoyaad tegi jiray -- Wardhiigley.
Dhowr dermood, weliba duug ahaa iyo hal jooderi oo qunbe ahaa ayuu agab oo dhanna ka qabay. Nin waxa uu ahaa inta badan qaadan jiray macawis qurxoon, jaakad, kabo saandal ah, iyo shaar iyo sigsaan iyo koofiyo cadcad. Joog ahaan mana dheereyn, mana gaabnayn. Nin waxa uu ahaa lagu manneystay fil Soomaaliyeed iyo gibil maarriin ahaa. Nin waxa kale uu ahaa la siiyay hiboda ka-sheekeynta, iyo soo-ifbixinta xatatooyin horey dadku aan ay u dareemi jiray. Isaga qudhiisa ayaa ba ahaa sidii "Hibo" -- waxa uu ahaa jilaa gole-joogsigiisu, iyo soohorjoogsigiisu ba ay dadweynuhu ku naalloon jireen.
Nasiibdarro. Waa se abwaankaas weli dahsoon. Soomaalidu isaga waxba ugama oga sida misana ay heesohiisa wax uga wada og yihiin. Heesoha Yuusuf Maradoon waa kuwo, intoodii badnaa wada qarxay. Macenha, waa heeso u wada caanbaxay, loona wada yaqaanno sidii Magool.
Waxa aan rumays nahay in Maradoon uu ka mid yahay abwaannoda ugu waaweyn ee Reer Waryaa. Waxa aan na u maleeyaa in aan og ahay sababtii uu u sammeeyay heestiisa la yiraahdo “Waqti”. Eeg sida fudud oo ay ereyadiisu u soo tebinayeen dareen culus, kaasoo aan ay weli Maryooleydu qaadan karayn jiritaankiisa. U fiirso farrinta uu 1963-kii u dirayay, gebi ahaan Soomaalida, gaar ahaan dowladihii loogu soo shubi jiray sanduuqyadii ma ahan dooorashooyinka, bal se qabyaaladda.
Akhristow, bal intii cabbaar ah gasho hubkii uu xiran jiray -- cimaamaddiisii caddayd, bakooraddiisii... – oo habeentiriska na dib u celi. Gadaal ugu laabo Soomali-Jaceylkii jiray 1960-maadkii. Dabadeed, adiga oo jilaya noloshii Ina Maradoon, heeladkaas na dhex taagan, bal carceersi ku akhriso tuducyoda soo socda:
"Waqtiyow dhismeha guud dowlad aan dhaliiloo .......[dhisme=doorasho]
dhibaatda i gaadhiyo ka war qabin dharaar qura:
dhaqankaan ku noolahay,
dhallinyaro intaan ahay.
***
dhegaha iyo araggaba
ka dheeree agtayda
aah aah aah aaheey!"
Mooddo [fikrad] kasto oo soohdimahoodii la arki karayo waa mooddo kooban. Mooddadii kooban na waa fikrad yar. Waxii yar na male-awaalkeenna ma dherjin (buuxin) karyaan -- iska ba illow in ay hafiyaane. Mooddooyinka waaweyn se afkalqaad ayay kugu ridayaan. Waa ay ku hafin. Is weydii ama baaritaan ugu noqo hadaltiroda maansoole Soomaaliyeed oo badan.
Ii soo hel tix ama maanso afkalaqaad, ashqaraark, anfariirk, naxdin, jaceyl, qarracan… iyo layaab kugu riday ama kugu abuurtay ama se kuu soo lahayd ba? Mooddooyin sida cirka, buuraha, habeenka madow ee xiddigohiisa na intaa inaga dul libiqsanaya, hawdka bahlo-galeenka ah ee dhawrta leh, iyo badaha oo ah kuwo inagu wada beerayaa lahashooyin aan abidkood nusqaamayn, kuwaas oo muugga maaankayagu aan uu wada qaadi ama ba wada qaadan kareynin.
Markasta oo aad waxyaabohaas ka sii fekertaa na, waa mar kasta ay kuula sii fogaanayaan xuduudo aanand soo koobi kareyn. Haddaba, aan ku degdego in aan iska idhaahdo: "waxii aan la soo koobi kareyn waa wax waarayaa, waa wax abid si joogto ah u joogi, una joogi doono."
Sida ay waxyaabohaas waayweyn ay male-awaalkeenna u hafinayaan, waxa jira iyana waxyaabo yaryar ee isla sidaas si ka geddisan inooga sii libdhaya meelo ama siyaabo bidhaantoodii hore aan ay isheennu u sii arki kareynin. Ama, waxa jira waxyaabo markoodii hore ba naga qarsoonaa, markaas ayaan awoodda male-awaalkeenna ku WEYNEYSAN kareynaa; dabadeed na waan qeexi kareynaa soohdimihoodii. Waxayaaabohaas inaga soo dhunsanaan jiray layaab dambe inooma ba yeeshaan goorta se aan iyaga daahyadii ka furno.
Kaalintan waa doorka keliya ee suugaanta u gaadh ah. Waayo buraashka, qad kasta oo la daro, meel ka mid ah wadanehayaga kuma dhigi karo dareen lahasho sida ay maansado ugu qoomi kareyso dareenno aan koobneyn -- dareenno aan la sheegi kareyn meel ay ka soo billaaban iyo meel ay ku dhammaan.
Maadama aan maanta hadlhayay abwaan Yuusuf Maradoon bal kaaga soo qaado hees kale ee uu kula hadlaayay walaashii nin saaxiibkay ahaa, kaas oo la liitay cudurka qaaxada la yiraahdo. Abbaayo weliba maalqabeen ayay ahayd. Ninkaas waxa loo yaqaannay “Fannaan”. Fannaan horraantii 1972 ayuu ciil awgii, dalkii hooyo, kaga dalaabay. Maalin kahor subaxii uu anbabixi lahaa ayuu duubay hees, iyo hees kale uu gadaalo ka qaadi jiray Axmed Mooge Liibaan (aun). Billaa ay maalin uun Abbaayo ogaataa: tiiraanyadii uu walaalkeed kala haayiray xaafaddii Wardhiigley. Isla sanadkaas ayuu ku dhintay magaalada Siyeedlow, NFD. Fannaankii, halkaas ayaa na lagu duugay.
Heesta ma wada xasuusto. Mirta ugu horreysa se weligay ba ma illoobin:
"Waxaa lagu ogaa gabar inay uurnuglaatoo
Qofkii aabbahaa dhalay aayda laguma lummiyee
Anba kuma illoobeen adoo u eg sideydee ....... [sarbeeb cudrkii Fannaan]
Aqoon-yari carruurnimo iyo adoon eegin tii hore
Ima ogide waxaan ahay ruux itaaldarreey.
***
Abbaayooy macaaney Allaa igu ogsoonoo
Abbaayooy macaaney immika waan soconayaa
Aan se kula dardaarmee: maxaan kugu idhaahdaa?"
“Aan se kula dardaarmee: maxaan kugu iraahdaa?”, su'aashaan dareenka ay qalbigayaga u direyso, dareen la halmaala: ma jiraa, haddee, Buraash iyo Sawirle Kale ee inoogu soo dhejinin karayaa bog internet-ka ah?
Intaas oo dhaan waxa aan u soo dig iyo damleynayay, akhristow, si aan kuu dhacsiiyo in maansadu ka awood sarreyso, iskaba daa aslitaanka (sawiraadda); waa se mid xataa laga sii sare mariyay taariikhda iyo falsafadda oo la isku kabay. Laashimki reer Koonfureed xaw yiri, “Dhedhem moofaa leh; dhereg na maankaal”. Sidaas oo kale, waxa aan anigu odhan lahaa: “Dheeh, muuqaa leh; dhumuc na, maansaa leh”.
Abwaan Maraddoon aragtida uu ka qabay nolosha waa mid aad u sii yareyd, aad na u sii budeysanayd. Isla goortan la joogo ayay weli u dhigantaa jariir (biriiq) aan ay arki karayn il Soomaaliyeed oo badan. Sow nooleha ama waxlaha qaarkood araggeena kama qarsoono illaayo, kuma darin, la inoo hooskeeno mikoroskoobka? Mooddooyinka, abwaannada qaarkood na waa tabtaas oo kale. Fiiro la'aan, kuma ogaan kareyno. Waa in aan maankeenna hooskeennaa, fiiroda na, kolba aan iskugu xoominnaa bar ka mid ah fikraddihii abwaanka. Ogow se, waxaa aalaaba dhacda, tiiyo aan ujeedno in misana aan ka ba ilduufno. Qatifow, qoryaha raro! Taas oo kale waa midda aniga i qabsatay.
Waa dhigmo u baahan qoraallo dhaardheer. Waxaad oran kareysaa Abwaan Hadrawi, Abwaan Hebel, Abwaan Kale, Abwaan Kooyi… waa abwaanno wada muuqdo. Ogow se, wax kasto oo muuqdo misana ma noqdaan sida loo arkayo ama ba ay u eg yihiin; sida duwan oo ay uga caansan yihiin qofnimoda uu Abwaan Hadraawi ba ku lahaa, "Dhimir bay ku sareen dabool baali kaa dhigaye" (Dhulgariir) -- si ka sii mudan ayaa malaha jiri karta, si lagu sii kala ogaan kari lahaa, taas oo lagayaabee aynaan innagu weli ogaalkeeda lahayn: Waa kuma abwaanka ugu weyn Soomaalida? Haddee sidee ugu mudan ee lagu garan karayaa?
Badarka ba haddaan la shiidin, hufin, laxoox kuu roon e; qoosh ba ma noqdo. Horta yaa abwaannadeednna inta buudeeyay, kala hufay, biyo ku radiyay, qooshay, kadib na rooti inoo wada cuntami karayo inooga dubay? Abwaannadeenna qaarkood waa dab, qaar waa dhardhaar (ama dhagax), qaar na waa dheef. Marka aan qaar kaaga sheego, Hadraawi iyo Maradoon iyo qaar kalee badan -- waa dheef. Inta harsan, male-awaalkaaga ayaan
ku maamuusi lahaa. Akhrisrow, walaal, adiga ayaan kuu soo hibeyn.
Abwaan Hadraawi ba waa uu carrabbaabay in ay jireen dad nolosha lagu aasay, mise? Ma taqaan ciddahaas la aasay?
Maxay adiga adiga kula tahay? Bal adigu, haatan, dib isu weydii. Maxay ku nool yihiin maanta “dhallintii waddanka iyo dhulka”? Dowlad sidee ah ayay ku hoos nool yihiin? Salaan Carrbeey ba sow ma oran, “nin libin kaa xisdiyay xumihii waa yaabe”. Haddii aan la is xasdeyn, anigu ma arag abwaan, sida Yuusuf Maradoon, qiirooyin naadir ah ( qaali ah) igu dareensiin karay dadnimo aanan haddii kale kuu ba dareemi lahayn.
Anigoo hataan cirroobay miyaan weliba garan la'ahay dareenkii dhaliilaysanaa ee uu Midgaanku horey uga soo qabi jiray mustaqbalka Soomaaliya? Haddii uu ereyga midgaan yahay mid tilmaamayo qolo xun, qolodaas waa, mindhaa, inta aan anigu ugu horreeyo; Yuusuf Maraddoon, marna ba midgaan noqon mayo uu. Midgaanku ba waa dagaaloogeha uun -- kabaleefkaas xun. Midkaas la dharbaaxay. Hal Tigree xataa , iska daa’ wax kalee, looma ba caayin!.
Xeynuuf Fooleey waxa uu oday Tuuryare ku oranayaa ereyo xambaarsan dareenkii aan ka dhaxlay Ina Maradoon (Dharbaaxo), “... Biriga, dhaqankaan ku noolahay...”
Xeynuuf waa qofnimadaydii qoraa. Qofnimadeydu waa Midgaan. Libaaxii Itoobiya ayaa igu soo galay cimilkii ii oodnaan jiray. Bulsho qeylodhaantayda maqlaysaa ama iga kicinaysaa na ma ba jirto. Keligay ayaan ahay. Midgaankii la haybsooci jiray oo kale ayaan noqday. Gaalo iyo islaan wax ii garabayaa na ma jiraan. Ma nabsi ayaan galabsaday? Ma walaalkay ayaan qixiyay? Maxaan kugu idhaahdaa?
Muxuu yidhi Faarax Shuuriye,
"Geesi libaax ku gawdiidsadee garab u hooseeya ...... [midigtii ay birtu xigtay]
Oo ay guutadiisii ka kicin gocumalow aarka
Ee uu guudka kala saaran yahay miciyo gaalleefa
Gallad Eebbe mooyee in Ilaah uga gargaaraayo
War sow inuu go'aa lama oga galowdu raageynin."
Adkeeda, horta Soomaalida Maanta waa dad aan isu ba diirnaxeyn, miyaa? Sharafbeelka nagu dhacay, ii soo sheeg wixii aad ka tidhi Abwaanka Soomaalida ugu Weynow?
.
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Khamiis, Febraayo 28, 2008
Waa Kuma Abwaanka ugu Weyn Soomaalida?
Mar 03, 2008 Sirdoon NetWorkOur E-mail: sirdoon@gmail.com




