Dharbaaxo

Mar 03, 2008
A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
sow inaan dhunkado ciidda taan dhaxashadaa maaha? sow dhuuxa ubadkii ku jiray tuu dhursugo maaha? sow waxa dhalaan loo korshaa dhaqan rugeed maaha?… dhexdayada ninkii soo galaa ee dhibo ka doonaaya ee dhaan shisheeyaad wataa sow ku dhiman maayo? dhudhub oodan kii kula damca ee bohosha dheereeya isna kuu dhegoolaynayaa sow ku dhici maayo?…
Bamfas, Cali Xasan: Dhambaal

Ilaaloda Garruun Unturow, labo maryoclas, ayaa isla murdinayo hambo ay soo reebeen saraakiil Tigree ahaa. Qalbacyada dariishadoha /Xeradii Banaadir Astedader/ [Maamulka Banaadir] oo rasaastii ka soo dusi jirtay awgeed u ekaaday canjeero Amxaaro, ayay ka daawanayeen Suuqii
Boosto-Bulug oo bililiqo la buuxdhaafsanaa.

Waxa kale oo ay arki kareen halowga hoobiye ee kaga soo duulayay Xaafadohii Xamar qaarkood, kaasoo iyaga ku beerayay lahasho jecleysiin in Soomaaliya ay degdeg dibadda uga qaxaan, carro kale oo ay ka aadaan ba, kol ay ku tahay in ay raacaan doonni taallaa buuraaleyda tuuladii Mareero; dabadeed na haba loo dhiftee hoos iyo gunta Gacankii Cadmeed si ay ugu dhintaan dhimasho madow ama ba kalluunkii ay weligood ka soo caagganaan jireen loo cunsiiyo iyaga oo weliba ku riyoon: sida ay uga dhex luflufan lahaayeen qashinqubka Buurohii /Nuqum/ iyo /Caybaan/ -- dukaafadoha tuuran waddooyinkii Sanca, magaalomadaxda dalkii Yemen.

Mid ka mid ah labadii Maryacalas, Xeynuuf Fooleey, labaatan-jir ay bidaartu madaxiisa u hoolhooshay sidii ilmo qabo xiiqdheer, ayaa yiri, "Yac. Ee waa se ku ceebtaas. Madaxweyne la dharbaaxay! Biriga, dhaqankaan ku noolahay waa ciilkaanbiyaa. Geeriyaa noo wada qoran. Nabee
waa mooggii ama la dalaabi jiray ama '/ha noolaato/' la qaadi jiray."

"Haa haddoo!" Maryacalaskii kale, lixdan-jir aan afkiisa loo oqoon hal ilig, Tuuryare Meeyrre ayaa yiri, "been nacalleeyaa ku taal. Dabadhilif meel ii xanuuni mee. Diin, qarannimo, reynreen, dhereg, caafimaad, iyo awood aan soo lahaa jiray, iyo liibaan kastoo kalee la mahadiyo. Woyane
na an Soomaaliya ima keenin; usna anigu ma keensan.

Tigree inaw wax iga ba'sho maahee waxbo iima badin. Mooggaan se is dammoodo, ma rumaysa karo qiiroda say u gashay korkayga -- biri kasto ba kistoo xanaaq ah, ciil joogto ah -- hadba na ay damiirkayga u saaqday si aan ciyow loo dareemi kareynin.

Ogoobeey lama sii ogaa karo dadnimada ay caroda qaarkeed kugu
abuuri karayso. Igaarkaygow waa ka weynahee ogow. Dharbaaxada waa mid lagu kacshay awal ba Madaxweyne hurdaayay! Waxaan se rabi lahaay in ay kiciso Soomaalida wili iska ba hurdeyso. Yac. Waa se ku quurtaas. Farajirjirkaas. Taariikhdaas fooshaxun ee ilmoheenna loo dhigi doono!"

Dabadeed Xeynuuf waxa u noqday dhegeyste aad ugu dheganugulaa waanooyinka iyo waayaragtida waayeelka. Oday Tuuryare ayaa haddaba sheekeyntii la wareegay: "Dowlad-ku-sheegta la yiraa Embegathi, igaarkaygow, ma og tahay saan ugu naxo! Baraareheeda oo dhan, xooggeera oo dhan, nooligeeda oo dhan, waxaw ku xiran yahay dhuuniqaatenimo, taasoo mar dhow na sii jiri doonin.

Anigu waa halgami doonaa. Waxii igu dhaliyay inaan Madaxweyneha u hiilliyo bal aan in yar kaaga sheego -- sababta aan u go'aansaday inaan Tigreega ka aargudo. Sida geesiyaalka qaran ba, aniga na jecaylka dalkayga iyo ummaddayda ayaa i daaray, wiliba si gaara jacayl Soomaalinnimo.

Bal se aan kuu sheego sababta aanan qurbe ugu dalaabi doonin. Hadda kahor ayaan Xeebtaas kula kulmay aabbe igala weynaa aabbeyaal Soomaaliyeed oo idil, ruun Mareero, hal sano kahor, waxyar kadib Maxkamadoha waagii laga adkaaday. Xeeb qurux badan. Qaxootiga reer Geeska Afrika meeshaasay ku kulmaan. Urur ama isutag ka aqli xun se abidkay ma arag.

Waa meel qorraxdu xaanida u dubayso sidii qaloon digireed; duulku waa ba ay kuu faraxsan yihiin, waa ba kuu dhoollacadeeynayaan. Bal gees ka joogso oo day sida ay iskaga dabo meehannaabayaan. Marba horin ayaa ku soo ag mareyso xiran dhar uskag badan, kaasoo ay la gelayaan huurka badda goorta ay gaaraan dacalloda hirarka xoorinayaa ay ku soo maaxdumayaan; biyoha ayay haddana qunyar ugu sii dhex fogaanayaan, hadba na u tallabsan sitaahooy ka baqayaan hafasho iyo in meel mool ah ay ku dhex dhacaan.

Inyar maahee intooda badan ma dabaalan karaan. Halkaas ayaad na ka sii garan kareysaa intooda shirqoolka burcadda badeedda ka sabatabbaxi doonto. In ay badda ka cabsanayaan waxaaad ku ogaan kareysaa sida ay hirarka uga soo kala yaacayaan. Halkii mowjad ee soo humbaalleeyn ba, waxa ay sababaysaa hirar qaxooti ah in dacalloda xeebtii ay ka soo fiigaan.

Aabbehaas Soomaaliyeed ee aan ku soo hadalhayay, markii iigu horreysay oo aan xeebtaas ku arko si weyn ayaan ugu qushuucay, ugu na muraaqooday. Waxa jira aabbeyaal ay weynidoodu ciyoon ba ku kasbanayso. Waxa aad moodaysaa in aad heshay waalid noloshaada ka maqnaan jiray; aragtidiisii ayaa ku deeqeyso, xataa haddii uu kaa geeryoodo, adoogaas oo kale lahaantiisii awgeed, waa mid aanad weliga dib dambe u dareenteen wax agoonnimo la yiraaho. Kalgacalkii
weynaa ee aan u qaaday… iyo aheey! qarracankii gadaalo iigu soo xigay.

LA SOCO QEYB II ... JIMCEHA SOO SOCDA

A. M. Yusuf | wayeel@operamail.com
Khamiis, Febraayo 28, 2008

Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com