Km4 oo lagu weeraray ciidamada Tigreega

Mar 07, 2007
Ciidamada Ugandha
War deg deg ah
War goor dhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar foolka fool ah uu ka socdo Km4 iyo agagaarkeeda. Weerarkan oo laysku adeegsaday hubka yaryarka ah noocyadiisa kala duwan ayaa sii xoogaysanaayo. Ciidamada cadowga ayaa sidii caadada u hayd markii lagu weeraray hub yaryar ay shacabka magaalada u qaybiyeen hoobiyayaal.Warku wuxuu kaloo sheegayaa in goobta la weeraray ay maraayeen kolonyo ciidamada Ugandeeska ah. Ciidamadan oo ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ayaa ay tahay weerarkii ugu horeeyay ee toos ah ay kala kulmaan wax iska caabinta. Ciidamadan ayaa u eg kuwa ku dhacay dab Tigreega lala damacsanaa.

Weli lama garanaayo qasaaraha dhabta ah ee dagaalkani gaystay.

Dagaalkii shalay
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalkii shalay shiirkoleka dhacay. Waxaa la xaqiijinayaa in Tigreega laga dilay 35 askari. 15 ka mid ah askartaas ayaa maydkooda uu weli yaalaa goobtii lagu dagaalamay. Tigreega oo isku dayay inay maydka qaataan ayay u suurta geli waysay. Dadka deegaanka ayaa u badan dadkii shalay la galay dagaalka ciidamada cadowga ah iyo adeegayaashooda.

Waxaad moodaa in wax iska caabintu ay badeleen nidaamkii dagaalka. Waxaa lagu eedeen jiray inay maadaafiic dadka shacabka ah ka dhex tuuraan. Laakiin hadda dagaalkii waxay u bedeleen dagaal foolka fool ah si aanba laysugu qaldan kuwa shacabka laaya iyo kuwa difaaca.


Sirdoon.com
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com