Maxay Tigreegu Jubooyinka uga Baxeen?

Mar 10, 2007
Todobaadkan waxaa warbaahinta somalidu hadal hayaan ka bixitaan la sheegay iney askartii Gumaysiga Tigreegu Ka guureen Gobolada jubooyinka. Guuritaankan ayaa ahaa mid si deg deg ah ku dhacay oon la sii sheegin, waxaa arinkani cabsi ku abuuray kuwii taangiga Tigreega dalka kusoo galay ee moodayey in ujeedadoodu tahay iney dadka soomaliyeed khasab kula dul hayaan.
Waxaa la isku waafaqsanyahay in Bixitaanka degdegga ah ee Tigreegu aysan wax lug ah ku laheyn kabixitaankii uu balan qaaday Raisul wasaaraha Tigreegu in markii ay yimaaddaan ciidamo Afrikaan ah uu askartiisa la bixi doono. Waayo ciidamada Uganda xitaa sooma ay dhameys tirmin welina waxaa socota soo daad gureyntooda.

Sida uu Sirdoon.com u sheegay ruux ka mid ah adeegayaasha Tigreega ee kismaayo jooga Tigreegu 4 maalmood ka hor ayey isugu yeereen dhammaan masuuliyiinta somalida ah ee iyaga u adeega iyo Odayaal dhaqameedyada dega Jubooyinka waxaana ay si lama filaan ah ugu war geliyeen in amar lagu siiyey iney dhaqso uga baxaan gobolada jubooyinka, markii ay somalidii taangigooda ku timid ku calaacaleen xageed nooga tegeysaan ayey u sheegeen in ay taasi tahay howl iyaga u taalla.

Sidoo kale Jananada Tigreega ah ee jooga muqdisha waxaa ay maalintii Dorraad isug yeereen dagaal oogayaasha Muqdishaiyo odayaal dhaqameedyada Hawiye waxaana ay sheegeen iney Baxayaan, haddaba su aashu waxaa ay tahay maxaa ay Tigreegu Bixitaankooda xilligaan ugu soo beegeeen? afar arin midkood ayaa sababi karta baxitaankan degdegga ah ee Tigreega sida ay qabaan dadka arintaan u kuur gala.

1-in ay jirto dhibaato dhanka gudaha ah oo la soo deristey Tigreega ayna ka cabsadeen in haddii ciidamadoodu sii joogaan gudaha somaliya xukunka laga tuuri doono, gaar ahaan iyada oo la sheegayo iney beryahan danbe xoogeysteen weerada gudaha itoopia ay ka wadaan jabhadaha Mucaaradka oo ay ugu horeyaan jabhadaha mucaaradka Axmaarada oo iyagu la sheegay iney af duubteen Diblomaasiyiin Ingiriis ah todobaadkan.

2-in ay run tahay warar soo baxayey maalmahaan oo sheegay in Masuuliyiinta Tigreegu si weyn uga caroodeen hadallo ay saraakiisha Midowga Afrika ee muqdisha Joogtaahi ku yiraahdeen Tigreega. Hadalkaas oo ahaa in joogitaanka Tigreega ee gudaha somaliya ay tahay sharci darro. Halka ciidamada Afrkaanku ay ku yimaadeen qaraar ka soo baxay qaramada midoobey, sidaasi daraadeedna aysan Tigreega saraakiishoodu imaan karin xafladaha rasmiga ah ee ay joogaanka madaxda midowga afrika iyo war baahinta caalamiga ah. Arintaan ayaa ceeb iyo waji gabax ku noqotay Tigreega waxaana ay doonayaan in ay adduunka cadaadis ku saaraan in heysashadooda somaaliya la maxlalo. Iyagoo og ineysan ciidamada Afrika xilligaan iska cabin Karin xooggagga somalida, maankana ku haya in la weydiisan doono iney sii joogaan inta ay ciidamada Afrikaanka ah ka soo dhameystirmayaan ayey doonayaan in ay yiraahdaan waayahay ee halla shacciyeeyo joogitaankeenna. Haddii kale ma joogeyno

3-In dhaqaalihii la siinayey Ciidamada Tigreega loo weeciyey dhinaca ciidamada Uganda oo la sheegayo in Mareykanku $10 milyan oo doolar todobaadkan ku bixiyey qalabeyntooda taasina ay muujineyso in indhaha mareykanku ay ka weecdeen Tigreega ayna Washinton beryahaana aad aad u la dhacsanyahay Musaveni kal gacal weyna u heyso, taas oo ka maseyrsiisay malas, si xaggiisa loo soo eegana ay tahay in uu ciidamada marba meel u raro.

4-iney dareemeen in ciidamada wax iska caabinta somalidu ay maalinba maalinta ka danbeysa ay sii xoogeysanayaan,ayna garteen in inta goori goortahay ay meesha isaga cararaan

War iyo dhammaantiis, waxaa aay dadka u fiirsada hab dhaqanka Tigreega aaminsanyihiin in arinka dhabta ahi yahay kan qodobka 2aad.

si kastaba ha ahatee,waxaan laba isku diidaneyn in dhibaatada ugu weyni ay soo foodsaartay adeegayaasha Tigreega oo beylah u noqon doona ciidamada wax iska caabinta xornimo u dirirka somaliyeed, waxaa todobaadkan la arkayey iyagoo dhalinyaro laga soo ururiyey Puntland oo dhaqaaqi la marba dhan u gaardisiinaya Garoonka balli doogle.

www.sirdoon.com
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com