Dowladda Bellaruus oo qiratey in Diyaarad xamuul oo ay leedahay Muqdisha gantaal lala helay

Mar 13, 2007
Afhayeen u hadlay wasaaradda gaadiidka cirka ee waddan Bellruus ayaa Sheegay in diyaarad laga leeyahay waddanka Bellaruus Gantaal lala helay isniintii magaalada Muqdisha. Diyaaradda oo ay saarraayeen 9 shaqaale ah iyo 6 qof oo kale ayuu ku dhacay Gantaal laga soo ridey Dooni yar oo xeebta mareysey wax yar ka hor intii aysan dhaqso u deign. Afhayeenku waxaa uu sheegay in ayssan jirin cid weerarkaas wax ku noqotay.Diyaaradda oo nooceedu ahaa Ilyushin Il-76 ayaa markii la toogtey dhulk u jirtey illaa 200 mitir sida uusheegay af hayeenkaas oo qirtay in gantaalku diyaaradda uga dhacay qeybta danbe, diyaaradda yaa qalab milatari u siday ciidamada waddanka Ugandha ee Somaliya jooga.

Af hayeenka Adeegayaasha Tigreega salad Jeelle ayaa horay u dafiray in ay jirto diyaarad wax gaareen. Tani ayaa muujineysa in ciidamada wax iska caabinta somaalidu ay heystaan gantaalaha lidka diyaaradaha taasi oo cabsi iyo argagax hor leh ku keeneysa cadowga shidheeyey iyo calooshooda u shaqeystayaasha loo soo kireystey in dadka somalida lagu xasuuqo.

Sirdoon.com
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com