Maxaa ka jira in xasan Abshir Faarax iyo rag kale oo reer Tigree ah ay dhaawac yihiin?

Mar 19, 2007
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Xasan Abshir iyo salad cali jeelle ay kamid yihiin koox reer Tigree ah oo Maalintii C/laahi Yusuf Muqdisha ku soo laabtay ku dhaawacmay Villa somaliya, C/laahi Yusuf laf ahaantiisa ayaan wax war laga maqal tan iyo markii ay Muqdisha madaafiicda ku soo dhoweysey Talaadadii hore.

Ragaan ayey wararku sheegayaan in dhaawacoodu kala duwanyahay oo qaarkood ay halisyihiin halka qaar kalena dhaawacoodu fudud yahay, warka ayaa intaasi ku daraya in dhowr hoobiye ay ku soo dheceen meel ay raggaasi ka joogeen Madaxtooyada, Ragga dhaawacmay ayaa waxa ay u badan yihiin maleesjiyadii ilaalineysey meesha oo qaarkood la shegay iney ku hoobteen madaafiicdaasi, raga dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid Salaad Cali Jelle, C/risaaq axmed agaasimaha Madaxtooyada Tigreega, Xasan Abshir Faarax iyo wiil uu dhalay C/laahu Yusuf

Warar ay heshey sirdoon.com ayaa sheegaya in weerarkaasi kadib ay saraakiisha Tigreega ee meesha ka taliyaa ku adkeysteen in shaqaalaha Villa Somaliya ay ku jiraan kuwa basaasiin u ah xoogagga wax iska celinta waxaana ay Tigreegu amar ku bixiyeen in maleeshiyadii reer Puntland ee meesha joogtey laga raro laguna soo bedelo ciidan reer Ugandha ah

C/laahi Yusuf Laf ahaantiisa ayaan la ogeyn xaaladdiisa caafimaad sida ay tahay iyo in uu ka badbaaday weerarkaas wallow uu Afhayeenkiisa Xusseen Idamaal uu sheegay inuu hurdayay illaa maalintii danbe, Muxuu la hurdayey ? manaqaan.


Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com