Nin Daad qaaday waa ku daayey!!

Mar 22, 2007
cyusuf
C/laahi Yusuf waxaa uu bishii janaayo ee sanadkan soo galay magaalada Muqdisha isaga oo saaran taangi Tigree oo libaax is moodaya, messhii laga rabey inuu fahmo howsha hortaalla culeyskeeda uuna dib u heshiisiin iyo Somali nimo guda gelo waxaa uu ka badin kari waayey booto, faan iyo tookh, waxaa uu moodeyey inuu guul kama danbeys ah hantiyey.C/laahi waxaa uu halmaamay in magaaladani horay u liqday kuwo isaga ka turqa weyn kana taageero badan, ka maal iyo hub badan, C/laahi isma weydiin meesha muqdisha geysey Genaral siyaad Barre oon 21 sano laga daba hadlin, Genaral caydiid oo hubkii geeska Afrika yiil oo dhami gacantiisa galay, ciidamadii sida raha uboodi jirey ee Delt Force iyo Rangers.

ninkii dabinkeeda gala dibey u xasuusisaa digniino horeoo badnaa
maxaa degdeg wiil ku yimid , dusheeda ku foos burburay
maxay doqon loogataa, maxay kibir daalisaa
maxay damac beenisaa, maxay nin dabbaal yaqaan
dalluun ku waraabisaa, maxay dildillaacisaa
maxay dab ku sii shiddaa (Hadraawi)

Aaway nimankii laga argagixi jirey markii magacooda lamaqlo, aaway Cismaan caato, Maxamed Qanyare, Muuse, Cabdi qeybdiid, xaaraan kunaax iyo saaxiibadood, C/laahi ma isweydiin xamar xageebey geysey raggaas. Carabtaa waxaa ay ku mahmaahdaa “ masiiruhaa Masiiru qeyrihaa, oo la micno ah ninkii qeyrki loo xiirayow adna qoyso”

Xamar way u cadaalad fali doontaa dagaal oogayaashii C/laahi ka horreeyey waxaana ay C/laahi Yusuf Marsiin doontaa dariiqii ay kuwaasi mareen, tani bilaawgeedii waan aragnay dhamaadkeediina dhowaan ayaan arki doonnaa.
Ninkii taa been moodayaa ha fiiriyo naceybka ay reer muqdisha u qabaan C/laahi iyo waraabayasha la socda sida Tigreega meydkooda dhakada dabka looga shidayo, waxaa C/laahi sugaahi waa in meydkiisa waddooyinka Muqdisha lagu jiido

Dadka muslinka ahi waxaa ay yiraahdaan marka ay duceysanayaan “ Allow camalkeena mid kheyr leh ugu danbeysii” oo looga jeedo allow ay farxadi noo danbeysaa, waxaan filayaa inhaddii C/laahi Yusuf farxad loo qorey uu horay u soo qaatay. Hadda waxaa ay u muuqataa in waxa u haray ay yihiin hoog, murugo iyo cawaaqib xumo.

Naftiisa qofkii dulmiyey deyrkaada rabbow ka baxay muxuu halis daaqayaa!!
Sirdoon NetWork
Our E-mail: sirdoon@gmail.com