C/laahi Yusuf ayaa wararku sheegayaan in uu si weyn uga caroodey xabad joojin ay ku heshiiyeen saraakiil Tigree ah iyo Oday dhaqameedyo hawiye ah, heshiiska ayaa dhigaya in xabadda la joojiyo laga billaabo maanta.C/laahi Yusuf ayey wararku sheegayaan in uu codsaday in ciidamada tigreegu ay cagta mariyaan ciidamada kacdoonka wada ee diidan maamulkiisa, waxaase taasi diidey Tigrrga oo sheegay ineysan arintaa taageero uga heysan Dowladda Mareykanka iyo ururka AU.
sida ay sheegayaan warar laga helayo Muqdisha C/laahi Yusuf ayaa xalay telefoon udiray wasiirka arrimaha dibadda Itoobia Siyuum Masfin waxaana uu ka codsaday in laga qabto saraakiisaha ciidamada Somaliya jooga qaarkood oo uu ku eedeeyey iney Mucaaradkiisa Heshiis la galeen
Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa ka la sheegay iney cabsi weyni soo foodsaartay kadib markii ay arkeen sida ay reer Muqdisha uga go antahay iney dagaalamaan, ayna suurto gal tahay in dagaalku ku faafo degaanno kale sida Kismaayo iyo baaydhabo.
Dagaaladii shalay ka dhacay cadaado ayaa la sheegay iney niyad jab weyn ku abuureen Tigreega
Hanjabaadaha ay saraakiisha Tigreegu u jeediyeen odayaal dhaqameedyo hawiye ah ayaa shaqeyn weysey, waxaana lagu soo warramayaa in fikadda caga jugleynta markeedii horeba ay ka timid C/laahi Yusuf oo u sheegay Saraakiisha Tigreega in haddii ay handadaan odayaasha ay biqi doonaan isla markaan ay joojin doonaan dagaalka.
Saraakiisha Tigreega ayaa markii ay arkeen ineysan handadaadi shaqeynen waxaa ay billaabeen maslaxo iyo waan waan waxaa ay balan qaadeen iney joojiyaan xabadda. Waxa c/laahi ka careysiiyey ayaana ah middaas.
C/laahi Yusuf oo aad uga caroodey heshiis dhexmaray saraakiil Tigree ah iyo odayaal dhaqameedyo Hawioye ah.
Mar 23, 2007 Sirdoon NetWorkOur E-mail: sirdoon@gmail.com




